Hadal-qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Ban Ki-moon ayaa lagu soo dhaweeyey Munaasabadda lagu dhaariyey Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee Somalia, wuxuuna ku booriyey inay dardar-geliyaan dhamaystirka Nidaamka Doorashadda, gaar ahaan si wax looga qabto arrimaha mudnaanta dejinta degdeg ah iyo dhamaystirka Dastuurka Joogtadda ee Somalia.
Ban Ki-moon oo xilka ka degi doono bisha soo socota ee Janaayo 1-da waxa kale oo uu ku baaqay in si degdeg ah loo buuxiyo Kuraasta ka harsan Barlamaanka iyo in hubaal la geliyo in Qoondada Haweenka buuxiyaan Haween oo keliya.
“Wax kasta oo is-dabamrin, Xadgudub, Maamul-xumo ee ay soo gudbiyeen Guddiyadda Doorashadda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda, waa in si buuxda wax looga qabto, si loo ilaaliyo Kalsoonida Nidaamka Doorashadda†ayuu yiri Ban Ki-moon.
Hadalka Xoghayaha Guud ee QM ee Xilka ka sii degayo, Ban Ki-moon waxa u uku soo beegmay iyadoo Talaadadii la soo dhaafay la dhaariyey 284 Xildhibaan oo ka kala tirsan Labada Aqal ee Barlamaanka Somalia.
Dhaarintaasi Xildhibaanadda Cusub ayaa timid, iyadoo tiro dhowr jeer dib-u-dhac ku yimid Nidaamka Doorashadda ee Somalia, waxaana la filayaa inay Xildhibaanadda Cusub doortaan Madaxweyne cussub, iyadoo Dorashadaasi oo lagu waday inay dhacdo bishii September ay afar jeer dib loo dhigay.
Jadwalka Doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoonka Barlamaanka ayaan weli si rasmi ahaan loogu dhawaaqin, inkastoo ay Ergadda Beesha Caalamka ku taliyeen in Madaxweynaha cusub la soo doortay ka hor bisha soo socota ee Janaayo 19-da oo ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM Kulan Khaas ah ka yeelan doonaan Arrimaha dalka Somalia.