Xoghayaha Gaashdhigga Maraykanka, Ash Carter ayaa si rasmi ahaan u sheegay in la baari doono Wararka sheegayo inay Diyaaradaha Maraykanka maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay duqeyn sababtay dhimasho ka geysteen duleedka Gaalkacyo.
Ash Carter ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Gobalka Hawaii ee dalka Maraykanka, wuxuuna xusay inaysan Maraykanka weli eegin Duqeyntaasi, balse ay rajeynayaan inay la wadaagi doonaan  marka la soo saaro Natiijadad Baaritaankaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inuusan jirin Ciiddan kale oo aan kuwa Maraykan ah oo aad u tixgeliya Mabaa’diida Guud ee Furfurnaanta, Hufnaanta iyo Isla-xisaabtanka.
Xoghayaha Gaashdhigga Maraykanka, Ash Carter waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan qaladaad la sameeyey marar badan, loona bahaan yahay inay  Maraykanka nafsad ahaantooda  Isla-xisaabtanka  eegaan marka ay duqeymahaas oo kale dhacaan.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Federalka Somalia ka codsatay Dowladda Maraykanka inay faahfaahin ka bixiyaan duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo, laguna dilay 13 Askari oo ka tirsan Maamul-gobaleedka Galmudug.
War-saxaafadeed ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka soo saareen Khamiistii hore waxay Duqeyntaasi ku sheegeen inuu ahaa mid Is-difaacid ah.
Maamulka Galmudug waxay iyagana sheegeen in ay Maamulka Puntland hagid qaldan siiyeen duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka fuliyeen.
Dibadbaxyo ballaaran ayaa waxay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen ka Koonfurta  Gaalkacayo, waxayna Taageerayaasha Galmudug  cambaareeyeen Duqeyntaasi, waxayna gubeen Calanka Maraykanka.
©Radio Dalsan