Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Lloyd James Austin ayaa la sheegay in lagu baxnaaniyo Isbitaalka Milliteriga ee The Walter Reed National Hospital ee Gobalka Maryland, oo Jiho ahaan dhanka W/Galbeed ka xiga magaallada Washington DC.
Barta Internetka ee Telefishinka NBC News ayaa waxa uu ka soo xigtay 2 Sarkaal oo ka tirsan Maamulka Maraykanka inuu Xoghaye Lloyd Austin la dhigay Isbitaalka, isagoo qeybta Daryeelka Khaaska ee Intensive Care Unit (ICU) ku jiray muddo Afar maalmood ah.
Isniintii hore oo ay taariikhdu ahayd Kowda January ayaa la dhigay Isbitaalka, kadib, markii uu cabasho xanuun ka keenay Habraaca Daawooyin loo qoray oo u socday, iyadoo Qaliin lagu sameeyey.
Si kastaba, Khamiistii la soo dhaafay, Madaxweyne Joe Biden iyo Xoghaye Lloyd Austin waxay bixiyeen Amarkii Duqeynta ee lagu dilay Taliye Maleeshiyo taabacsan dowladda Iran oo ku sugnaa Caasimada dalka Iraq ee Bagdad.
Dowladda Iraq waxay cambaaraysay Dilkaasi, iyadoo Guddi u xil saartay Qorshaha Degdega ee ciiddanka Caalamiga ee Isbahaysiga Milliteri ee Maraykanka uga wada huleeli lahaayeen gudaha dalkaasi.