Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Mareykanka, Lloyd Austin ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay maanta caasimada Afghanistan ee Kabul.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas, waxaa la filayaa in Austin oo ka yimid dalka India, uu la kulmi doono madaxda ugu sarreysa dalkaas.
Xoghayaha  iyo madaxda Afghanistan ayaa ka wada hadli doona qorshaha Mareykanka ee ku saabsan bixidda ciidmadiisa ku sugan Afghanistan iyo wada hadalada u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo kooxda Daalibaan.
Dowladda Mareykanka iyo Kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta Afghanistaan ayaa kala saxiixday Bishii Febraayo, 2020, heshiis dhigaayay in Mareykanku kala baxo ciidamadiisa dalka Afghanistan muddoo 14 bilood godahood ah.