Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa lacag farabadan oo duhurnimadii shalay Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ay ku qabteen gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in lacagtii ay qabteen Ciidanka Booliska dowladda oo la socotay diyaarad ka timid dalka Kenya ay laheyd Gabar dahabka uga Ganacsata Magaalada Nairobi.
Gabadha oo lagu magacaabo Sabiriin Cabduqaadir Isaaq ayaa Maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho, kadib markii xiriir wicitaan ay la sameeyeen Booliska dowladda Federaalka, kuna amray inay timaado Caasimadda dalka.
Booliska ayaa xiligaan Sabiriin Cabduqaadir su’aalo kala duwan oo la xiriira lacagta la qabtay ku weydiinaya gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxaana Booliska markii hore ku wargeliyay in lacagta ay Sabiriin leedahay Nin waday lacagtaas oo gabadha Kenya uga soo dhiibatay.
Gabadha ayaa sheeganeysa in lacagteda ay dhameyd illaa Hal Milyan oo dollar, halka lacagta shalay booliska soo bandhigeen ay qiyaas ahaan ay u muuqatay inta u dhaxeysa 150,000 illaa 300,000, inkastoo aanu Taliska Booliska sheegin cadadka lacagtaas.
Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Aadan Doodishe ayaa shalay waxaa uu sheegay in lacagta ay Ciidanka Booliska ku qabteen Garoonka Aadan Cadde ay tahay mid si sharci darro ah dalka loo soo geliyay, lana socotay diyaarad ka timid dalka Kenya, isla markaana ay baaritaano ku sameeynayan.