Warbaahinta Dalsan ayaa heshay xog rasmi ah oo ku saabsan qaabka Diyaaradaha ka howlgalla dalka Sanadkaan loogu qeybiyey tirade Xujeyda,waxana lagu soo kordhiyey Saddex Diyaaradood.
Xilligii hore waxaa kaliya ka Shaqeyn jiray duulimaadayda dhinaca xajka,kuwaas oo kala ah Juba Airways iyo Daallo Airlines balse haatan lagu soo kordhiyey Sadddex kale oo kala ah Freedom Airlines, Ocean Airlines iyo East Africa.
Hadaba Shirkadaha Diyaaradaha Xajka waxaa Sanadakan loogu qeybiyay sidan
Juba Airways: 3000
Daallo Airlines:3000
Freedom Airlines : 1000
Ocean Airlines : 1000
East Africa: 600
Dhinaca kale gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa xilka qaadis lagu sameyey Wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.
Xog ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegaysaa in sababta xilka looga qaaday Wasiirka ay tahay inuu u hoggaansami waayey  amarka Ra’iisul Wasaaraha ee lagu soo kordhiyey saddexda kale ee diayaradooda,isaga oo qoray warqado uu ku magacaabayo shakhsiyaad u xaglinaya shirkadaha hore u maamuli jiray hawshan.
Radio Dalsan.