Dhawaqa jug culus ayaa maanta laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan iyadoo ay soo baxayeen saacadihii aynu soo dhaafnay in jugtaasi ay ahayd Hoobiyeyaal lagu garaacay suuqa Bakaaraha.
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in waxa dhacay ay ahaayeen Qaraxyo, iyadoo la beegsaday Laba xarumood oo kamid ah kuwa uga waawayn ee iibiya qalabka electronic ga.
Inta badan dadka ayaa isla dhexmarayay in hoobiyeyaal ay ku dhaceen suuqa, balse warkaas ayaan la xaqiijin, waxaana Masuul ka tirsan Gobolka Banaadir uu sheegay in waxa dhacay ay ahayeen Qaraxyo.
Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka mid ahaa masuuliyiin booqday Bakaaraha ka dib weerarka ayaa beeniyey in waxa ka dhacay suuqa aysan ahayn hoobiyaal lagu soo tuuray balse ay ahayeen qaraxyo goobta lagu diyaariyay.
“Halkan waxaa ka dhacay waxay ahaayeen beegsi ganacsiga, shan ilaa lix goobood ayaa khasaaruhu gaareen oo u badnan kuwa electarooniga, dabcan waxay u muuqataa amase an ognahay inay yihiin kooxdaha argagxisada ee ganacstada handadaya si ay baad uga qadaan, waxay maalmihii danbe u soo dirayeen fariimo, balse dadkani waxay ahaayeen kuwii iska diiday inay baad bixiyaan. Walina baaritaan ayaa socda†ayuu yiri Maxamed Yabooh.
Booliska iyo goobaha caafimaadka midna si rasmi ah wali uma xaqiijin tirada dhimashada iyo dhawaca ka dhashay weerarka maanta ka dhacay suuqaha barkaaha ee Muqdisho.