ciidamo lagu qiyaasayo dhawr kun oo askari oo wata gadiid dagaal iyo hub culus, kana socda dowladda Itoobiya ayaa maanta soo gaarey Degmada Matabaan ee Hiiraan oo ay fariisimo ka sameesteen.
Ciidankan oo dhowr cisho kahor kasoo gudbay xad beneedka Feer feer ayaan la ogeyn qorshaha rasmiga ah ee ay ku socdaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Itoobiyaanku wadaan qorshe lagu soo galinayo dalka in ka badan 20-kun oo askari oo ku Kala wajahan gobolada Gedo, Bakool, Hiiraan ilaa Galgaduud.
Dhawaan ayey ahayd markii,lataliyahana amniga Qaranka ee  madaxweynaha Soomaaliya uu shaaca,ka qaadey in ciidamadda Itoobiya dalka laga saaraayo.walow hadalka lataliyaha ay beenisey dawladda itoobiya.
Dhankoodana ay ka hor yimaadeen,maamuladda Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo sheegay in ciidamadan ay ku tiirsan yihiin.Ciidamadda Dawlada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya lama yiqaan tiradoodda,madaama ay jiraan cIidamo ka baxsan hawlgalka ATMIS.
Ku xigeenkii hore ee Nabad sugida Soomaaliya Cabdisalaan Guuleed oo wareysi bixiyey ayaa sheegay in ayna Itoobiya,marnaba baneyneyn dhulka ay ka joogto Koonfur Galbeed,Hiiraan Iyo Gedo.
Waxana uu ku sababeeeyey in ay daneheedda halkaas ka ilaashaneyso,marar kala duwan ciidamadda Itoobiya ayaa iyagoon amar ka haysan dawladda Soomaaliya gudaha dalka soogaley.