Darawalada Mooto Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa si adag cabasho uga muujiyay xaaladda wadooyinka jajaban ee caasimadda, iyagoo eedeyn dusha ka saaray maamulka gobolka Banaadir ee uu Hoggaamiyo Guddoomiye Madaale, oo ay ku dhaliileen in aysan ku filnayn dayactirka iyo hagaajinta wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.
Bajaajleyda ayaa sheegay in wadooyinkan jajaban ay dhibaato weyn ku hayso shaqadooda iyo gaadiidka ay ku xamaashaan, taas oo saamayn taban ku yeelatay noloshooda iyo dhaqaalaha guud ee magaalada.
Darawalada Bajaajta ayaa tilmaamay in wadooyinka jajaban ay keeneen burbur ba’an oo soo gaara mootooyinka ay ku shaqeystaan, taas oo sababtay in ay waayaan waqti iyo dhaqaale ay ku dayactiraan gaadiidkooda. Qaar ka mid ah Bajaajleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladdu ay sii xumaanayso, maadaama maamulka gobolka Banaadir aysan wax tallaabo ah ka qaadin hagaajinta wadooyinkan, taasoo keentay inay ku adkaato in ay si hufan u gutaan shaqadooda maalinlaha ah.
“Haddii aan dayactir degdeg ah lagu sameyn wadooyinka, waxaan qarka u saaranahay inaan waayo shaqadayda, maxaa yeelay burburka wadooyinku wuxuu dhaawac u geysanayaa mootooyinka, anigana waxaan ku khasbanaanayaa inaan waqti badan ku lumiyo dayactir iyo kharash badan oo aan awoodin,” ayuu yiri mid ka mid ah darawalada Bajaajta ee ka shaqeeya Muqdisho.
Inkasta oo ay cabasho xooggan ka muujiyeen wadooyinka, haddana Bajaajleyda Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay ku waddo Wasaaradda Gaadiidka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo dhowaan hoos u dhigtay qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa, taas oo ay ku tilmaameen mid wax badan ka beddeli doonta nolol-maalmeedkooda. Waxay sheegeen in tallaabadaas ay tahay mid muhiim ah oo muujineysa in dowladda ay dhegeysaneyso baahiyaha iyo cabashooyinka shacabka.
“Waxaan u mahadcelineynaa Wasaaradda Gaadiidka sida ay uga jawaabtay cabashadeenna la xiriirta qiimaha leysinka. Waa tallaabo loo baahnaa oo wax weyn ka tari doonta nolosha Bajaajleyda. Waxaan rajeynayaa in sidoo kale maamulka gobolka Banaadir uu isna qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo wadooyinka jajaban ee caasimadda,” ayuu yiri mid kale oo ka mid ah Bajaajleyda Muqdisho.
Ugu dambeyntii, Bajaajleyda Muqdisho ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe inay si degdeg ah uga jawaabaan cabashooyinkooda ku saabsan wadooyinka, maadaama ay yihiin laf-dhabarta gaadiidka dadweynaha ee caasimadda, ayna saameyn weyn ku leeyihiin nolosha bulshada iyo dhaqaalaha magaalada.
Waxay hoosta ka xariiqeen in wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmarta shacabka iyo dowladda ay horseedi karto horumar iyo xasillooni waarta.