Ugu dambeyn, Xisbullah ayaa u doortay Sheekh Naciim Qaasim inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Xisbiga, ka dib dilkii ku yimid hoggaamiyahoodii mudada dheer xilka hayay, Xasan Nasrallah.
Doorashadan ayaa timid kadib markii Nasrallah uu ku geeriyooday duqeyn ka dhacday magaalada Bayruut, 27-kii Sebtember sanadkan, taasoo ka dhalatay weerar cirka ah oo xaalada gobolka cirka kusii shareertay.
Sheekh Naciim Qaasim, oo ah siyaasi aad u waayo arag ah oo ku jiray xisbiga tan iyo 1991-kii, ayaa muddo dheer ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud, isagoo sidoo kalena lagu yaqaannay inuu yahay mid ka mid ah aas-aasayaashii halganka Xisbullah ee ka dhanka ah faragelinta shisheeye ee Lubnaan.
Sheekh Naciim, oo hadda 71 jir ah, wuxuu durbadiiba ku dhawaaqay inuu qorsheynayo in xisbiga uu sii wado dariiqii Nasrallah, isagoo xoojinta difaaca iyo taageerada taageerayaasha xisbiga kaga jawaabaya caqabadaha siyaasadeed ee sii xoogeysanaya ee gobolka.
Doorashada Sheekh Naciim ayaa timid kadib doorasho ka dhacday Golaha Shuurada Xisbullah, taas oo la sheegay inay ahayd mid ay xubnaha sare ee xisbiga aad ugu kala aragti duwanaayeen. Hase yeeshee, maalmo kadib doorashadiisa, waxaa sidoo kale la beegsaday Haashim Seyfudiin, oo ahaa hoggaamiye saameyn leh iyo shakhsi la saadaalinayay inuu noqdo hoggaamiyaha mustaqbalka ee Xisbullah, arrintaas oo sii adkeysay in Sheekh Naciim uu xilka kala wareego iyadoo duruufo adag jiraan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbullah ayaa lagu caddeeyay in Sheekh Naciim Qaasim uu xilkan si rasmi ah ula wareegay, isagoo ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii uu u xoojin lahaa midnimada xisbiga iyo adkeynta aragtida halganka ay u hayaan Lubnaan.
Dad badan ayaa isha ku haya halka uu hoggaamiyahan cusub u jiheyn doono xisbiga iyo inay suuragal tahay inuu beddelo siyaasadda muddo 32 sano ah uu Nasrallah ku hoggaaminayay Xisbullah, ama uu ku sii wado jidkii uu xisbigu kaga jawaabi jiray cadaadisyada dibadda ka soo foodsaara.