4 ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka iyo Kutlada Horu-socod ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Go’aankii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay Kismaayo.
Shirkii Shalay lagu soo geba gabeeyey Magalada Kismaayo ayaa waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada  ayaa waxaa ku jiray qodobo ay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya oo uu ku jiray inay xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Xisbiyada Siyaasadeedyada kala ah Wadajir,Kulan,Daljir,Xisbiga Nabada iyo Kutlada Horu-socod,ayaa waxa ay sheegeen inay la qabaan walaaca Siyaasadeed oo ay muujiyeen Madaxda Dowald Goboleedyada.
Waxaa qoraalka ka soo baxay ay ku sheegeen in marqato madoonto ay tahay in la siyaasadeeyey Hay’adihii Amniga iyo Xafiisyadii Madax Banaanaa,sida Hanti dhowrka, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garsoorka intaba.
Sidoo kale Xisbiyada ayaa qoraalkooda waxa ay ku soo hadal qaadeen baaqii ka soo baxay Madaxweynaha ee uu kulanka isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka oo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay qeyb ka yihiin.