Xisbiga haya talada dalka Algeria National Liberation Front (NLF) ayaa ku guuleystey doorashooyinkii guud ee la qabtey 12-kii June, isagoo helay 98 ka mid ah 407 kursi ee baarlamaanka taas oo u dhiganta 24.07%, sida ku cad natiijadii ugu dambeysay ee lagu dhawaaqey Arbacadii.
Isaga oo ka hadlaya telefishanka qaranka Kamel Feniche madaxweynaha golaha dastuurka, waxa uu sheegay in ay jiraan xoogaa isbeddello ah oo ku saabsan qaybsiga kuraasta gobolada.
Barlamaanka dhexdiisa, kooxaha madaxbanaanida waxay ku guuleysteen 84 kursi halka dhaqdhaqaaqa bulshada nabada ee u janjeera diinta islaamka ay heleen 65, halka xisbiga dimuqraadiga taageera ee Democratic National Rally uu helay 58 kursi, ayuu yiri Feniche, isagoo intaa raaciyay in Xisbiga Mustaqbalka uu leeyahay 48 kursi, halka National Building Movement uu helay 39 kursi. waxaa ku xigay xisbiga cadaaladda iyo horumarka ee leh laba kursi.
Shacabka Algeria ayaa u dareeray sanduuqda codbixinta bishii 12-kii June si ay u soo doortaan 407 wakiil oo ka socda Golaha Shacabka Qaranka.