Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka xulista Golaha Wakiilada iyo doorashada Puntland.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa loogu baaqay Odayaasha  Dhaqanka Puntland in ay si wanaagsan u soo xulaan Xubnaha Golaha Wakiilada una gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018.
Sidoo kale waxaa wareegtada lagu sheegay in 1/1/2019 uu furmi doono kulanka ugu horeeya ee Golaha Cusub ee Wakiilada Puntland,halka doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ay dhici doonto 8/1/2019.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran.