Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay burcada hubeysan ee dhaca u geysta shacabka oo maalmihii dambe kusoo badanayay Magaalada Muqdisho.
Taliye Xijaar ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay gacanta kusoo dhigeen rag badan oo dhac u geystay dad shacab ah oo qaarkood ragga la qabtay ku jiraan kuwo dhacay goobo Ganacsi ah oo ay ka qaateen Taleefoono gacanta iyo waxyaabo kale.
Taliyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa Carabka ku dhuftay in burcadadii ugu dambeysay ee dhac u geysatay dad shacab ah laga soo qabtay degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir, isla markaana ay xiran yihiin.
Sidoo kale Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaaciyay in ragga burcadnimada loo soo qabtay Maxkamad la horgeyn doono maalinta Isniinta ama talaadada soo socota ee todobaadkaan, si sharciga loo marsiiyo.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa Digniin u diray cid kasta oo ku howlan dhaca loo geysanayo shacabka Caasimadda kunool, wuxuuna xusay in qof kasta oo lagu soo qaba falkaas ha ahaado Askari iyo shacab in la horgeynayo Maxkamadda.
Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo dhac u geystay dad shacab ah oo ay ka qaateen Teleefoono gacanta iyo Agabayo kale, iyadoona maalmihii lasoo dhaafay falalkaas ay kusoo badanyeen degmooyinka Gobolka Banaadir.