Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xayiran Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa halkaas.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Kismaayo ayaa waxaa saameeyn ku yeeshay xayiraadii dowladda Federalka Soomaaliya saartay duulimaadyadii halkaas tegi jiray iyo kuwii ka imaan jiray.
Sidoo kale Xildhibaanada xayiran ayaa waxaa la sheegaya in doonayaan in Magaalada Muqdisho ay soo aastan,hayeeshee aysan jirin wax duulimaad ah oo tega Kismaayo,xili dhawaan lagu wado inuu furmo kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada ku sugan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ay yihiin kuwo aad uga dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,isla markaana halkaas tegay xiligii ay socdeen arrimaha Doorashooyinka Jubbaland.