Doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#205 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xusen Farax, hayeeshee inta aysan bilaaban doorashada ayey tartanka ka hartay Muna Xuseen, waxaana sidaas ku guuleystay Axmed Kooshin oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, isagoo helay 99 Cod.
Kursiga HOP#263 ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Siciid Jaamac oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii ay u tanaasushay Khadra Cabdi Maxamed oo la tartami laheyd, Muuse Siciid ayaana helay 101 Cod oo ah Codadkii Ergada.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#240 ayaa waxaa ku tartami lahaa Cali Maxamuud Aadan iyo Rooda Maxamuud Axmed, waxaana kursiga ku guuleystay Cali Maxamuud oo loogu coddeeyay Cod gacan taaga ah, isagoo helay 98 Cod.
Kursiga HOP#271 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku soo baxay Cali Cabdi Ibraahim oo loogu coddeeyay gacan taag, kadib markii ay tartanka ka hartay Fatxiya Absiiye Wacays oo la tartami laheyd Cali oo helay 90 Cod.
Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee tirsigiisu yahay HOP#241 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiqani Ismaacil Saciid oo qaab gacan taag ah loogu coddeeyay, isagoona helay 91 Cod, waxaana u tanaasushay Ayaan Ismaacil Cabdi oo la tartami laheyd.