Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo saaray go’aanno ka dhan ah xildhibaanno lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen habsami u socodka shaqooyinka labada Gole ee Baarlamaanka.
Go’aannada lagu shaaciyay warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha waxaa ka mid ah in 15 xildhibaan laga mamnuucay ka qaybgalka kulamada Golaha muddooyin kala duwan, mushaarna laga joojiyay. Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firimbi) ayaa si gaar ah laba bilood looga joojiyay fadhiyada Golaha kaddib markii lagu eedeeyay inuu u gacan qaaday askari boolis ah oo ka tirsan ilaalada Baarlamaanka.
Warqadda ayaa si gaar ah u faahfaahisay in falka gacan qaadka uu dhacay 27-kii November, iyadoo sidoo kale ganaaxyo la dul dhigay xildhibaanno kale oo lagu eedeeyay inay is hortaageen qabsoomidda kooramka kulamada Golaha, kana hor yimaadeen xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay guud ahaan xildhibaannada Golaha Shacabka dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadka Qaran, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u ilaaliyaan nidaamka iyo habsami u socodka howlaha Baarlamaanka.