Xildhibaanadii dhawaan moohsinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay uga hadlayaan sababihii keenay inay mooshinka ka tanaasulaan.
Xildhibaanadaas oo la Magac baxay badbaado qaran ayaa waxa ay sheegen inay tanasuleen,iyaga oo fiirinaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale War-saxaafadeedkooda ayaa waxa ay ku xuseen in kaidb codsi uga yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo in la ilaaliyo xasiloonida dalka ay soo saaareen qodobaaan.
1: in madax banaanida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la ixtiraamo lana joojiya waxkasta oo kahor-imaankaara fulinta iyo la-xisaabtanka Hay’adda Fulinta.
2: in Xukuumaddu dhowrto xaquuda Dastuuriga ah ay muwaadiniinta u leeyihiin inay dhiibtaan figradooda ,sidoo kalena la joojiyo caburinta Saxaafada iyo Siyaasiyiinta k ra’yiga duwan.
3: in la dhiso Garsoor madax banaan gaar ahaan Maxkamada Dastuuriga ah oo hanan karta kalsoonida Ummadda Soomaaliyeed awoodlna u leh xalinta ismaandhaafyada ama muranada sharciga ee ka dhalan kara Saaxadda Siyaasad dalka.
In heshiisyada ay madaxweynaha iyo Xukuumadda soo galan lahor-keeno baarlamaanka si loo marsiiyo habraaca sharciga ee lagu ansixiyo ama looga dodo heshiisyada.