Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Mohamed Mohamoud Isse, iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa caawa kulan muhiim ah la leh Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ahaa mid xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada Puntland ku matala Baarlamaanka.
Kulanka ayaa daba socda kulan hore oo ay labada dhinac ku yeesheen maanta Xarunta Aqalka Wakiillada, kaas oo looga hadlay arrimaha federaalka iyo siyaasadda dalka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said oo hadal ka jeediyay ayaa caddeeyay in Puntland ay si buuxda u aqoonsan tahay Dastuurka Federaalka ee 2012, isagoo yiri:
“Dastuurka 2012 waa aasaaska nidaamka federaalka ee dalka, waana muhiim in la ilaaliyo qodobada iyo mabda’aas si loo xaqiijiyo Dawladnimo isku dheellitiran oo ku saleysan wadajir iyo cadaalad.â€
Qodobada muhiimka ah ee Kulanka caawa.
1-Ka doodista xaaladda siyaasadeed ee dalka.
2-Hagaajinta habka loo qeybsado khayraadka dabiiciga ah.
3-: Iskaashiga iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka.
4- Ciidamada: Xoojinta amniga dalka.
5-Maamulidda awooda siyaasadeed.
6-Falanqeynta wax ka bedelka dastuurka.
7-Mashaariicda waxbarasho iyo horumarinta bulshada.