Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah.
Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.
Waxaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.