Xildhibaanada Cusub maamulka Puntland ee Xalay lagu dhawaaqay ayaa lagu dhaarinayaa Magaalada Garoowe, waxaana farriin loo diray Xildhibaanada Cusub. Taasi oo ku aaddan inay soo xaadiraan.
Xildhibaanada Baarlamaanka 6aad ee Puntland ayaa xaadiri doona Xarunta Golaha Wakiilada Maamulkaasi Puntland.
“Waxaa dhammaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 6-aad lagu wargelinayaa in ay soo xaadiraan munaasibadda dhaarinta xildhibaanada cusub. Goobtu waa Xarunta Golaha Wakiillada. Waqtiguna waa 10:00 Am (Subaxnimo)†ayaa lagu yiri qoraal loo diray Xildhibaanada Cusub.
Xalay ayay ahayd markii lasoo saaray liiska 66 Xildhibaan, waxaana lagu arkay Xildhibaanno matalaya Maamulka SSC khaatumo, xili ay xusid mudan tahay in horay ay uga dhawaaqday inay Xildhibaanadeeda kala baxday maamulkaasi