Maanta, xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin culus oo deg-deg ah, kaas oo ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee dowladda ay soo rogtay. In ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan, waxaana ay dalbadeen in ajendaha kulanka maanta lagu soo daro arrimaha canshuuraha iyo cabashada taagan.
Xildhibaan Cabdirashiid Jilley, oo kamid ah xildhibaannada gudbiyay mooshinka, ayaa sheegay in mooshinkooda uu ku saabsan yahay sidii loo xallin lahaa cabashada ganacsatada iyo shacabka ee ku aaddan canshuuraha cusub. “Waxaan soo jeedineynaa in ajendaha lagu daro in wax laga weydiiyo canshuuraha laga cabanayo iyo xal u raadinta cabashada ganacsatada iyo shacabka,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Xildhibaan Garaad ayaa ku adkeeyay in mooshinkan uu metelayo dareenka shacabka, gaar ahaan kuwa ka cabanaya canshuuraha cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda. “Arrintaan waa arrin dareen bulsho, waxaana ay tahay arrin dhaliil leh, gaar ahaan gobolka Banaadir oo laga dareemayo culeysyo hor leh,” ayuu yiri Xildhibaan Garaad.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday in maalinta Axadda ee 18-ka Agoosto 2024 ay bilaabaneyso canshuurta iibka, oo dhan 5%. Dowladda ayaa sheegtay in canshuurtan toos loogu jarayo koontooyinka ganacsiga, isla marka uu macluumka bixiyo adeegga uu iibsanayo, iyada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli weli ay jirto khilaaf dhexdooda iyo ganacsatada ku aaddan sida loo jarayo canshuurta, taasoo culeys hor leh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed oo ku filan. Mooshinkan ayaa laga yaabaa inuu saamayn weyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, iyadoo la filayo in baarlamaanka uu ka dooddo arintan si degdeg ah.