Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in guddiga madaxa banaan ee dorashada uu hareer marsan yahay Dastuurka Kumeel gaarka ah islamarkaana aanu sharci ahayn.
Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay iney isaga la tahay in arintan ay keeni doonto in fashil uu ku dhamado hamiga ah in la qabto doorasho ku dhacda si xaq ah oo xalaal ah.
Waxa uu Xoosh ku dhaliilay guddigan iney u badan yihiin xubno ku dhaw dhaw oo saaxibo la ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,halka qaar kale ay ka shaqeeyan madaxtooyada Soomaaliya.
Guddiga waxa ku jira xubno u badan wasiiro ku dhaw madaxweynaha waxaana arintaasi ka hor yimid qaar kamid ah xisbiyada ka jira dalka.