Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Boorama, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey. Booqashadiisa ayaa timid xilli uu wajahayo eedeymo culus oo uga yimid Xeer Ilaalinta Somaliland, oo ku eedeysay qaran dumis.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa gaaray magaalada Boorama, oo ah caasimadda gobolka Awdal ee Somaliland. Soo dhaweyntiisa ayaa ahayd mid heer sare ah, oo ay ka qayb galeen dadweynaha magaalada, mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, Shacab aad u tirro badan ayaa xildhibaanka si diiran u soo dhaweeyey.
Inta  uu joogo Boorama, Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa la kulmi doona  odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, iyo haweenka magaalada.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa wajahaya eedeymo culus oo uga yimid Xeer Ilaalinta Somaliland, oo ku eedeysay qaran dumis. Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in Xildhibaan Abiib uu ku lug lahaa falal ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Somaliland,Dacaayadana ka faafiyey Ciidanka Soomaaliland.
Intaas kadib Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa fagaare ka sheegay,in uu dib ugu laabanayao shacabki soo doortey.Ganafka ayuuna ku dhuftey eedaha loo soo jeediyey isagoo ku si fiiyey,in ay faraqa haystaan rag isu reera.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa si adag u beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, isaga oo ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcaddiisa iyo taageerada uu ku dhex leeyahay bulshada. Waxa uu ballanqaaday inuu sii wadi doono shaqadiisa xildhibaanimo iyo u doodista xuquuqda dadka reer Somaliland.
Dadka ku nool Boorama iyo taageerayaasha Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa muujiyey taageero buuxda iyo garab istaag. Waxay sheegeen in eedeymaha loo soo jeediyey xildhibaanka ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda iyo sharafta Xildhibaanka.
Sawiro halkan hooos e eg