Steve King oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee ka midka ah Kongareeska dalkaasi, kuna caan baxay Islaam-nacaybka iyo Muhaajiriinta ku nool dalkaasi oo shalay Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Breitbart News waxa uu sheegay inuusan doonaynin inay Muhaajiriinta Soomaalida Muslimka ah inay ka shaqeeyaan Shirkaddaha Xoolo-qalka ee ku yaalla Gobalka isaga laga soo doorto ee IOWA ee Bartamaha Galbeed ee dalkaasi oo ah Gobalka inta badan lagu qalo, laguna farsameeyo Hilibka Doofaarka.
Waxa uu tilmaamay in shaqaalaha Muslimiinta ee ay Soomaalida ka mid tahay inay fikrad qaldan ka bixiyaan Shaqada ay ka hayaan Wershadaha lagu farsameeyo Hilibka Doofaarka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan shaqaalaha Muslimka jeclayn inay ka shaqeeyan qalista iyo cabaynta Hilibka Doofaarka. Isla markaana ay iska riixaan, iyagoo dadka Gaalladda ku habaara inay naarta galaan.
“Ma doonayo inay Muslimiinta inay gacanta la galaan Doofaarka, waayo waxay iyaga taageerayaan inay Dadka aan Diinta haysan galaan Naarta†ayuu yiri Steve King oo ku caan baxay hadalladda ka dhanka ah Muhaajiriinta iyo Islaam-nacaybka.
Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inuusan doonaynin inay Shaqaalaha Soomaalida ka shaqeeyaan Wersahadahaasi, isla markaana ay shaqaale cusub u qoran doonaan Wershadaha lagu qalo Doofaarka.
Steve King waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuu Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ee ka tirsan xubnaha xisbiga Dimurqadaiga ee Kongareeska dalkaasi, weydiiyey su’aal ku aadan haddii ay Muslimiinta awoodi karm inay ka shaqeeyaan Wershadaha lagu qalo Doofaarka ee ku yaalla Gobalak IOWA.
Steve King waxa uu sheegay inuu Kieth Elison u sheegay isaga inay Soomaalida u baahan yihiin Taageeradda Hoggaamiye Muslim ah (Iimaam) si uu ugu amro inay ka shaqeeyaan Wersahada lagu qalo Doofaarka.
Faalladda gefka ee uu bixiyey Siyaasiga Steve King ee ka tirsan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee Kongareeska Maraykanka waxaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay Wargeyska POLITICO.
Kieth Elison oo haatan u tartamaya xilka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobalka Minnesota waxa uu sheegay inuu Steve King yahay qof aad jaahil u ah, isla markaana aan la rumeysan Karin.
Xildhibaanka Muslimka ee Keith Ellison waxa markii ugu horreysay Kongareeska dalkaasi loo doortay sannadkii 2006-dii.
Dhinaca kale, Siyaasiga Steve King oo ay ku fogaatay Nacaybka Muslimiinta ee ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee uu Madaxweyne Donald Trump ka tirsan yahay waxa uuWareysiga uu siiyey Wargeyska Breitbart News ku soo gunaanaday inuusan doonaynin dadka aan ka shaqeynin, isla markaana aan cunin hilibka Doofaarka, wuxuuna naftiisa u rajeeyey inay cadaab ku muteysanayso cunista hilibka Doofaarka.