Waxaa goordhow Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhacday doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada kursiga 103 ee dhacday ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cali Xasan oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed iyo Mukhtaar Cali Ibraahim, kuwaasi oo horey isugu soo sharaxay kursigaas, iyagoona Maanta ku tartamay.
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cali uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP103, isla markaana waxaa uu helay codad gaaraya 78 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna helay 18 Cod, halka afar Cod ay halaawday.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP103 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana doorashada kursigaas shalay hakiyey Guddiga doorashada heer Federaal.
Jawaari ayaa cabasho kasoo gudbiyey kursiga uu ku fadhiyey oo uu sheegay in loo diiday inuu u tartamo, kadibna Guddiga doorashooyinka ay soo saareen Go’aan lagu joojinayo doorashada, hayeeshee Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeesatay Go’aankaas, isla markaana qabtay doorashada kursiga 103 oo kusoo baxay Maxamed Cali Xasan.