Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa la sheegay in loo magacaabay xil.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Cusub ee Xasan Sheikh ay Cabdiraxmaan u Magacawday xil, waxaana xogta la ehlayo ay sheegaysaa in loo magacabay  ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya.
CC Shakuur oo ahaa Musharrax u tartamay Xilka dalka ugu sarreeya, ayaa helay 15 cod,doorashadii dhacday 15kii Bishaan ee uu kusoo baxaya Xasan Sheikh.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in haatan abaaro ba’an ay ka jiraan dalka, taasi oo u baahan in dadaallo dheeraad ah lagu bixiyo, sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira dalka.
Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud oo shalay la wareegay Xilka Madaxweynaha waxaa uu sameeyay Magacaabis dhowr ah, isagoo ilaa iyo hadda Xilal u magacaabay 4 ruux.