Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidanka Khaatumo ay wadaan dhaqdhaqaaqyo iyo is urursi hubaysan si ay Soomaaliland dagaal ugula galaan gobolka.
Sida aan horay idiin kusoo gudbinay garabka Khaatumo ee kasoo horjeeda wadahadalada Soomaaliland ayaa sheegay in Soomaaliland aysan marnaba lahadli doonin inta ciidankeedu joogaan gobolada Sool iyo Cayn.
Dadka ayaa cabsi ay qabaan awgeed bilaabay in ay ka barakacaan degaano badan oo katirsan goolka Sool kuwaas oo ka cabsi qaba dagaalo halkaas ku dhex mara Somaliland iyo Khaatumo.