Xiisadaan ayaa waxa ay u dhaxeysaa Ciidamada liyuu boolis iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Ciidamada Federaalka Itoobiya,sida ay sheegeen dadka Magalada Dhagax-Buur.
Ciidamada liyuu booolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka caroodeen ciidamada fedraalka Itoobiya oo Magalada Jigjiga ka kaxeysay Madaxweynihij xilka baneeyey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Wararka nasoo gaaraya magalada Dhag-Buur ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ay bilaabeen in ay ka fogaadeen halka ay isku hor-fadhiyaan si hadii uu dagaal dhaco aysan dhibaato uga soo gaarin.
Dhinaca kale Odayaasha Magalada Dhagax-Buur ayaa waxa ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeysa Ciidamada liyuu boolis iyo kuwa federaalka Itoobiya.