Xiisadaan ayaa ka dhalatay dil shalay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska uu gudaha Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ugu geystay mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaaj.
Askariga ka dambeeyey dilka Darawalka mooto Bajaajta ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiro Saldhiga Booliska Baladweyne,isla markaana Ehelada Marxuumka la dilay ay dalbanayaan in loo dilo.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaad ku heyb ah Darawalkii Mooto Bajaajta ee la dilay inay Ciidamo badan soo buuxiyeen Gudaha Magalada,isla markaana Wadooyinka qaar ay xirteen.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Maleeshiyaad ay hakiyeen isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee Baladweyne,sidoo kalena ay ku hareereysan yihiin Saldhiga Booliska oo uu ku jiro Askarigi dilka ka dambeeyey.
“Inta badan Goobaha Ganacsiga waa ay xiran yihiin ciidamo beeleed hubeysan ayaan ku aragnaa Xaafadaha Bartamaha Magalada Baladweyne,wax dhaq dhaqaaq ah magalada kama jiraan ayuu yiri qof ka mid ah dadka Baladweyne.
Shalay markii dilka loo geystay Darawalka mooto Bajaajta ayaa waxaa dhacay banaabax ay dhigayeen Darawalada Mootoyinka iyo Ehelada Marxuumka,iyada oo weli aan la’aasin meydka.
Dilka Darawalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka dambeysay kadib markii Darawalada Mooto Bajaajta lagu soo rogay inay bixiyaan $15 balse Darawalada ay diideen bixinta lacagtaas.