Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buqdharkayn, oo ku yaalla galbeedka gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka jirto xaalad kacsanaan ah oo laga cabsi qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo. Degaankaas ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, dagaalkaas oo sababay khasaare aad u badan.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid socday saacado badan, islamarkaana labada dhinac ay adeegsanayeen hub culus. Sida la xaqiijiyay, dagaalkii shalay wuxuu sababay dhimashada ugu yaraan 50 qof, halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 80 kale. Goobta dagaalka ayaa weli laga soo warinayaa maydad badan oo yaalla, waxaana adag in la ogaado cida dhimashada ugu badan gaartay, maadaama aysan jirin cid ka madax-bannaan labada dhinac oo si rasmi ah u xaqiijin karta khasaaraha.
Ciidamada Oo Gurmadyo Wada Helaya
Tan iyo fiidnimadii xalay, waxaa deegaanka Buqdharkayn si isdaba joog ah u gaarayay gurmadyo ciidan oo labada dhinac ah, taasoo sare u sii qaadaysa cabsida laga qabo in dagaal kale qarxo. Ciidamadan ayaa weli isku horfadhiya jiidda hore ee dagaalka, iyadoo labada dhinac mid walba uu dadaal ugu jiro sidii uu dhankiisa guul uga gaari lahaa dagaalka.
Dagaalkii shalay ayaa sii xumeeyay xaaladda gobolka Sool, oo muddo saddex sano ah ay colaado ka taagnaayeen. Labada dhinac, Somaliland iyo SSC-Khaatumo, ayaa mid walba ku eedeeyay kan kale in uu weerarka bilaabay. Balse ilaa hadda ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijin karta sheegashooyinka labada dhinac.
Xaaladda Degmada iyo Dareenka Shacabka
Xaaladda deegaanka Buqdharkayn ayaa weli cakiran, waxaana jira cabsi xooggan oo ay qabaan dadka deegaanka, kuwaasoo intooda badan ka qaxay guryahooda iyagoo ka baqaya in dagaalka sii socdo. Dagaalkan ayaa imaanaya xilli xiisado colaadeed ay muddooyinkii dambe ka taagnaayeen gobolka Sool, gaar ahaan deegaannada ay isku hayaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Dadka deegaanka, oo intooda badan aan hubaysnayn, ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolasha ah, maadaama goobaha ay colaaduhu ka taagan yihiin aysan helin gargaar bini’aadantinimo oo ku filan. Waxaa sidoo kale jira baqdin laga qabo in dagaalka uu ku fido deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool, taasoo sii murjin karta xaaladda guud.
Xaaladda Gobolka iyo Mowqifka Labada Dhinac
Dagaallada u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa galay sanadkii saddexaad, iyadoo SSC-Khaatumo ay horay ula wareegtay inta badan dhulka gobolka Sool, gaar ahaan xarunta gobolka ee Laascaanood. Somaliland ayaa dagaalkan uga aragta mid ay dib ugu soo ceshanayso dhul ay sheegato, halka SSC-Khaatumo ay u aragto dagaal ay kaga hortagayso soo laabashada Somaliland.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax dadaal nabadeed oo muuqda oo lagu xallinayo colaadda u dhaxeysa labada dhinac, taasoo sii adkaynaysa in xal waara laga gaaro muranka ka taagan gobolka Sool.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalka Buqdharkayn, wararkayaga dambe ayaad kala socon doontaan.