Magalada Badhan ee Gobolka Sanaag waxaa Maanta lagu soo gaba gabeeyey Kulan nabadeed xal looga gaarayay xiisad ka dhalatay dilka Suldaan Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa waxgaradka Gobolka Sanaag.
Dilka Suldaanka ayaa dhacay 21-kii Bishii Setemper ee Sanadkaan xilli Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas uu booqanayay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Goobta Munaasabada waxaa ku sugnaa Salaadiin ay ka mid ahaayeen Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana laga soo saaray Go’aano xal looga gaaray xiisadii ka dhalatay dilkaas.
Hoos Ka Akhriso Go’aamada ka soo baxay kulankaas.
1: Ergada kulanka ayaa la kulmay waxgaradka labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan Sudaanka la dilay ee Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo ninkii ka dambeeyay dilkiisa.
2: Markii ay dhageysteen Aragtida labada beelood ee Walaalaha ah
3: Markii la wareystay Maxamed Cali Sugule oo ah Ninkii dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil.
4: Markii wadatashi dhinaca Shareecada Islaamka ah la yeesheen Culimada kala ah Sheekh Axmed Daahir Xasan Xuseen, Sheekh Maxamed Macalin Axmed, iyo Sheekh Salaad Maxamed Cusmaan.
Ergada ayaa aqbashay in waqti la siiyo si ay wadatashi u soo sameeyaan Odayaasha Beesha uu ka dhashay Suldaan Xasan Cali Jibriil,waxana ugu dambeyn waxgaradka ay shaaciyeen.
In ay cafiyeen Ninkii Suldaanka dilay ee Maxamed Cali Sugule,Sida Diyo,Dil iyo aarsi Intaba.
Ergada ku jirtay dhex dhexaadinta ayaa ku raacay Go’aanka cafinta ah oo ay qaateen beesha uu ka soo jeedo Alle ha u naxariistee, Suldaan Xasan Cali Jibriil  sidaasi ayaana Shirkii mudada ka socday Magalada Badhan ee gobolka Sanaag lagu soo gaba gabeeyay.