Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu Muqdisho ka wadaa kulamo aan kala joogsi lahayn, oo uu la leeyahay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Xasan Sheikh ayaa la kulmay Madaxweynihii horee Soomaalliya Shariif Sheikh Axmed, waxaana kulanku uu ahaa mid Hambalyo ah.
Kulanka kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo kulanka iyo wax yaabihii ay ka wada hadleen.
“Waxaan caawa la kulmay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ugu hambalyeeyay guusha uu gaaray oo ah guul u soo hoyatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, dhameystirna u aheyd dedaalkii aan u wada galnay in doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka qabsoonto. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda culus, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in aan garab istaagayo walaalkey Madaxweyne Xasan, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in si buuxda loo garab istaago Madaxweynaha cusub†ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.