Xasan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan ayaa khudbadiisii labaad ee uu kaga hadlayay dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas jeediyay Sabtidii lasoo dhaafay.
Khudabaddan oo laga sii daayay TV-ga Xisbullah ee Al-Manar ayaa Nasrallah ku sheegay in Israa’iil aysan marnaba awoodi doonin inay gaarto hadafkeeda ku saabsan dhulka Falastiin, waxaana uu yiri “waxaa aad uga soo horjeedi doona jiilalka soo socda.â€.
Nasrallah ayaa sheegay in weerarada ka dhanka ah Israa’iil ee ka dhacaya koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan. Wuxuu sheegay in weeraradan ay yihiin kuwo lagu taageerayo Falastiiniyiinta.
Narsallah ayaa ku andacoodey in todobaadki ugu dambeeyey ay Xisbullah kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Israa’iil ayna adeegsadeen gantaallo aad u awood badan marka laga soo tago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Waxa uu sheegay in Xisbullah ay weeraro hor leh ku qaadeen deegaanada gudaha ee Israa’iil