Ciiddamo Isku-dhaf ah ayaa la wareegay Xarumahaasi, iyagoo xiray qaar ka mid ah Weriyayaasha ka hawlgala Warbaahintaasi.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay Ciiddamo xoog ku galeen Xarumahaasi, iyadoo ay qeyb ka tahay Afgembiga ka socda dalkaasi.
Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Wasaaradda ayaa lagu xusay inay Ciiddan Milliteri oo Isku-dhaf ay xoog ku galeen Xarumaha Dhexe ee Telefishinka iyo Idaacadda ee ku yaalla magaallada Omdurman ee mataanka la ah Khartoum.
Hawlgalkaasi ayaa ku soo beegmay, xilli ay Saraakiil Milliteri ku dhaqaaqeen Afgembi Milliteri, iyagoo xiray Tiro Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.
Dhanka kale duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray caasimadda Suudaan ee Khartuum ayaa la hakiyay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inqilaab socda.
Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ayaa lagu soo waramayaa in la xiray, iyadoo la sheegay in ciidamo milateri ay hareereeyeen.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda oo ku saabsan xaaladda garoonka.