Dagaalyahano lala xiriirinayo Alshabaab ayaa la sheegay inay gubeen gaari ay la socdeen Askar ka tirsan Boliska Kenya, kuwaasi oo gelbinayey Bas marayey meel ku dhow xuduudka Degmadda Ceelwaaq.
Alshabaab ayaa la sheegay inay Gantaalka Baasuukaha ee garabka laga rido ku dhufteen gaarigii ay la socdeen Boliska Kenya, iyadoo ay ku wada geeriyoodeen 5-tii Askari ee la socotay gaariga.
Guddoomiyaha Gobalka Mandhera, Ali Roba ayaa cambaareeyey weerarka Alshabaab ku dileen Askarta.
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Kenya, ayaa qiray inay Alshabaab bedeleen Xeeladii ay ku hawl-geli jireen, isagoo tilmaamay inay si isku mid ah u beegsadaan Boliska iyo dadka rayidka.