Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan Koonfurta Sudan iyo Sudan ayaa sheegaya in ku dhawaad 200 oo booyado shidaal sida lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, iyagoo markii hore ku sii jeeday magaalada Abyei oo ku taal xadka labada dal. Booyadahaan ayaa intooda badan waxaa iska leh ganacsato Soomaali ah, sida uu warbaahinta BBC-da u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirisaaq Axmed (Boqol).
Boqol ayaa faahfaahiyay xaaladda adag ee ay ku sugnaayeen, isagoo xusay in koox burcad ah ay dileen mid ka mid ah wadayaasha oo magaciisa ku soo koobay Xuseen. Waxaa kale oo uu sheegay in kaliya gawaarida ay leeyihiin Qaramada Midoobey loo ogolaaday in ay gudbaan, halka booyadahaan iyo gawaarida kale ee ganacsiga loo diiday inay gaaraan halkii loo socday.
Weli lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in gaadiidka la amro inay dib u laabtaan, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan ee ku saabsan arrintaan, marka laga reebo in amarka ay soo saartay.
Booyadahan ayaa qaar ka mid ah waxay ka soo ambabaxeen dalka Kenya, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen magaalada Jubba, caasimadda Koonfurta Sudan. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya booyado tiro badan oo saf dheer ku jira, kuna sii sugnaa waddo dhinaceeda, iyagoo aan haysan wax caawin ah.
Darawallada ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax gargaar ah ilaa hadda helin, iyagoo ka codsaday in safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Koonfurta Sudan ay arrintooda wax ka qabato si loo fududeeyo xaaladda adag ee ay wajahaan.