Waxaa saakay xaalad daganaasho ah laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay ka dhacayeen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaalada.
Dad ku sugan Laascaanood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in saaka oo jimco ah xaaladda magaalada ay tahay mi degan, xilli xalay xaafaddo ka tirsan magaalada laga maqlayay rasaas goos-goos ah oo ay ridayeen ciidanka Booliska Maamulka Somaliland.
Banaanbaxyo xooggan oo watay rabshado ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay Laascaanood, waxaana dhigaayay dadka deegaanka oo kasoo horjeeday dilalka qorsheysan ee kusoo batay halkaas, loogana geysanayo dadka aqoonyahanada ah.
Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay rasaas ay ciidamada Booliska Somaliland kuna Laascaanood ay ku fureen dadkii dhigaayay banaanbaxa, ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kale Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa gebi ahaanba xiran, Ganacsatada magaalada ayaana diiday inay furan goobaha Ganacsiga.