Tommaso Della Longa, af hayeenka Xiriirka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC), ayaa u sheegay asxaabteena kanaalka BBC News mar sii horreysay in xaaladda halkaas ay tahay “mid faraha ka baxdayâ€.
Cisbitaalka waxa “uu la ciirciiryaa bukaano, dhaawac ah iyo in ka badan 10,000 oo qof oo magangalyo u soo galay cisbitaalka sababtoo ah waxay moodayeen inay tahay meesha ugu nabdoon”.
“Dadku waxay ku nool yihiin waddooyinka isbitaalka, jaranjarooyinka, dibadda iyo gudahaba. Waxaa intaa dheer 500 oo bukaanno ah ayaa helaya daryeel naf badbaadin ah. Waxaan ka hadlayaa qaybaha daryeelka degdegga ah, dhallaanka ku jira ayaa qalabka ogsajiinka u baahan,” Della Longa ayaa sidaasi yiri.
Waxa uu sheegay in Laanqeyrta Cas ay “aad uga walaacsan tahay†amarka daad-gureynta ee Bisha Cas ee Falastiin ay sheegtay inay siisay Dhakhaatiirta Israa’iil. “Xaaladdan oo kale ma jirto hab suurtagal ah oo bukaannada lagu daadgureeyo”.