Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamul Goboleedka Puntland, halkaasi oo lagu arkayo Ciidamo hubaysan oo taabacsan siyaasiyiinta Mucaaardka ah ee dhaliilsan sida wax ku socdaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ayaa soo sheegaya in dhowr xaafadood o oak mid ah Garoowe lasoo dhoobay Ciidamo, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka qarxo gudaha Magaalada, sida ay ku warramayaan dad goobjoogayaal ah.
Ciidamada ugu badan ayaa jooga halka loo yaqaanno “Kaantaroolkii hore ee galbeed†waxaana ay ku hubaysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka.
Sidoo kale waxaa la dhaariyay Xildhibaanada Cusub ee Mamaulkaasi Puntland, iyadoo ay jiraan walaac xooggan oo ay muujinayaan qolooyinka Mucaaradka ee kasoo hor jeeda madaxweynaha maamulkaasi Siciid Deni.