Xaalad biyo la’aan ah oo halis ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka jirto deegaanka Quracleey oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Deegaankan ayaa la tilmaamay in uusan laheyn Ceelbiyood biyo looga kala keeno, Matabaan iyo Ceelgaal ayeey dadka deegaanka Qurucleey ku iibsadaan £300 (Seddax Boqol oo Dollar) taasi oo sida la sheegay dadka deegaanka ay awoodi la’yihiin.
Dadka ku nool deegaanka Quracleey ayaa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Hirshabelle iyo tan dowladda Fedaraalka Soomaaliya ka dalbaday in deegaanka Quracleey la hirgalsho Ceelbiyood.
Isku duwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Maamulka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jabriil iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada degmada Matabaan Maxamed Cali Garaad oo gaaray deegaanka Quracleey ayaa codkooda ku biiriyay in dadka deegaanka Quracleey aay helaan Ceelbiyood riig ah.