Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa habeenkii xalay aheyd Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas ku xiray Afar dhalinyaro oo kamid ah dadka deegaanka Jowhar.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta dhalinyarada loogu jiray Magaalada Jowhar ay tahay, kadib markii mid ka mid dhalinyarada lagu soo eedeeyay inuu xirtay Fanaanad ay ku buufsaneyd Hiiraan State.
Saddexda kale ee dhalinyarada ahaa ee iyaguna la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen ujeedka uu Fanaanada ay ku buufsaneyd Hiiraan State u xirtay Wiilka markii hore lasoo eedeeyay.
Raggaan dhalinyarada ayaa habeenkii xalay aheyd ku hoyday gudaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ay uga hadlayaan xirnaashada dhalinyaradaas.
Waa markii ugu horreeyay ee Magaalada Jowhar lagu xiro wiil dhalinyaro iyo rag kale oo xirtay Fanaanad ay ku buufsan tahay Hiiraan State, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah dadka degaanka Hiiraan ay kasoo horjeedan Maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.
