Faah faahinno dheewraad ah ayaa laga heliyaa dil Wiil Soomaaliyeed loogu gaystay gudaha dalka ingiriiska, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan qaabka loo dilay Muwaadinkaasi Soomaaliyeed.
Booliska Gobolka Yorkshire ee dalka UK ayaa xaqiijiyey dilka wiil Somali ah oo lagu dilay magaalada Sheffield ee gobolkaas, waxaana dilkaasi uu si gaar ah uga dhacay xaafad ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta oo ay Soomaalidu qayb ka tahay.
Dilka Marxuumka ayaa la sheegay in loo adeegsaday Tooreey, waxaana jirkiisa ku yaalla dhaawacyo aad u daran oo muujinaya qaabka arxan darrada ah ee loo dilay Wiilkaasi Soomaaliyeed.
Booliska Gobolka Yorkshire ee dalka UK Â ayaa intaas ku daray ay baaritaan ku sameyn doonaan kiiskaasi dilka ah ee loo gaystay Marxuumka, waxaana magaciisa lagu soo koobay Sacad Cali.