Wiilkaasi oo 17 jir ahaa ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dhismo 5 Dabaq ah oo ku yaalla Degmadda Schmölln ee Bariga dalka Jarmalka, mana kala cadda sababaha uu naftiisa u haligay.
Duqa Degmadda Schmölln, Sven Schrade ayaa ku eedeeyey inay dad Daawadayaal oo hoos taagnaa Dabaqa uu Wiilka Soomaaliga iska soo tuuray ku dhiiri-geliyeen inuu Dabaqa ka soo boodo, si uu isku dilo.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta MDR News waxa uu tilmaamay inay heleen Warbixin ku aadan in qaar ka mid ah dadkii daawanayey Wiilkaasi ugu baaqeen inuu mar hore soo boodo, taasi oo soo dedejisay inuu Wiilkaasi u geeriyoodo dhaawacyo ka soo gaaray Bootinta uu isaga soo tuuray Dabaqa 5-aad ee dhismahaasi.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobalka oo lagu magacaabo Mathias Bergmann ayaa sheegay in qaar ka mid ah Dadkii daawanayey ay sawiro ka qaadeen Shilkaasi, sidii iyagoo daawanaya Filim.
Mas’uuliyiin ka tirsan Boliska iyo Saraakiisha Arrimaha Bulshadda ayaa isku hawlay inay Wiilkaasi kala taliyaan inuusa ka boodin dabaqa, balse, waxa uu nasiib-xumo diiday Taladaasi, isagoo ka door biday inuu dabaqa iska soo tuuro, una geeriyoodo dhaawacyadii soo gaaray.
Wiilka Soomaaliga ee is-dilay oo magangelyo-doon ah ayaa la sheegay inaysan la soconin wax Waalidkiisa ayaa la sheegay inta uusan is-dilin ka hor u socotay Daaweyn Cilmi Nafsi ah (A psychological treatment).
Waxa uu tan iyo bishii April ee la soo dhaafay ku sugnaa Degmadda Schmölln ee dalka Jarmalka, balse waxa uu maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay dib ugu laabtay Xarunta Dhallinyaradda Qaxootiga deggan yihiin.
Mas’uuliyiinta Deegaanka ayaa sheegay in Wiilkaasi  muddo hal isbuuc uu daaweyn cuddurka Isku-buuqa iyo Niyad-jabka ku soo qaatay Rug Caafimaad oo si Cilmi Nafsi ah lagu daaweeyo Bukaanadda isku buuqsan.
QM ayaa ka walaacsan Cuddurka Isla-hadalka ee ay isku dilaan qaar ka midah dadka Qaxootiga, siiba kuwa Magangelyo-doonka ee ku sugan Qaaradda Europe.
 Xigasho: DW
©Radio Dalsan