Maxamed Cali isagoo 15 sanno iyo 8 bilood jira ayaa la sheegay inuu ka so dhoofay  dalka Britain, wuxuuna Kooxda Daacish ku biiray xilligii Xaggaaga ee sannadkii 2014-kii.
Dukumentiyaddii qarsoodiga ee dhawaan lagu faahfaahiyey Dagaalyahannadda Shisheeyaha ee ku biira Daacish ayaa laga helay Faylka Wiilkaasi Maxamed Cali oo markii uu ku biiray Daacish waxa uu la magac baxay Abu Maalik Al-somali.
Faylka shaqsi ahaaneed ee Abu Maalik Al-somali waxaa laga dhex helay Faylasha Dagaalamayaasha Britishka ee ku biiray Daacish.
Dukumentiyadaasi oo ay shaacisay Hay’adda Wararka ee Zaman Alwasal oo ay leeyihiin Mucaaradka Syria ayaa lagu xusay inuu Abu Maalik Al-somali dhashay bishii October 27-dii ee sannadkii 1998-dii iyo inuu dalka Syria ka galay xuduudka Degmadda Tal Abyad bishii June 11-dii ee sannadkii 2014-kii.
Waxaa u diiwaan gashan inuu yahay Dagaalyahan, waxayna wararka qaarkooda sheegayaan in sannadkii hore lagu dilay iska horimaad ka dhacay gudaha dalka Syria.
Haddii ay Warbixinta Dukumentigiisa sax noqoto waxa uu Maxamed Ali ama Abu Maalik Alsomali noqonayaa qofkii ugu da’da yaraa ee haysta dhalashadda Britishka ee ku biira Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda.
Xigasho: dailystar.co.uk
©Radio Dalsan