Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka Somalia, Eng. Saalax Sheekh Osman waxa uu Billad Sharaf guddoonsiiyey Maxamed A. Faarax, kaasi oo lagu dhiirigelinayey Kaalinta uu ka qaato inuu u ololeeyo Bulshadda baahiyaha Gaarka ah leh.
Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo Marti Sharaf aad u badan, waxay ku bogaadiyeen dadaalka badan ee uu ku bixiyey sidii loo taageeri lahaa dadka uusan dhamaystirnayn Baahiyaha Gaarka.
Maxamed A. Faarax oo ka hadlay Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Abaalmarinta waxa uu u mahadceliyey Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Dowladda Federalka Somalia, Eng. Salax Sheekh Osman iyo dhamaan Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ku dhiiri-gelisay Ololihiisa ku aadan sidii loo taageeri lahaa Dadka baahiyaha gaarka ah leh.
Dhinaca kale, Maxamed A. Faarax oo saakayto lagu wareystay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waxa uu tilmaamay inay dadka naafadda culaysyo kala kulmaan marka ay danno ka yeeshaan Xafiiska iyo Hay’addaha kale, gaar ahaan Xawaaladaha.
Waxa uu intaasi ku daray in dadka naafadda dhibaato ku qabaan arrimahaasi, wuxuuna ku baaqay in loo gargaaro dadka u baahan in la caawiyo.
Maxamed A. Faarax waxa uu bartamihii sannadkii hore bilaabay Olole uu ugu magac daray “Albaadbka iga Furâ€, wuxuuna Hal-ku-dhegaasi soo jiitay Soomaalida isticmaasha Baraha ay Bulshadda ku wada xiriiraan.
Ololihiisa waxa uu u muuqdaa in si niyadsami leh loo ajiibay, waxaana qeybo ka mid ah Dhismooyinka Dowladda Federalka lagu soo kordhiyey goobo u gaar ah dadka naafadda ee lagu riixo gaadiidka curyaaminta.
©Radio Dalsan