Mukhtaar Ibraahim oo ah Saxafi caan ah una shaqeeya Idaacadda Minnesota Public Radio (MPR) ayaa lagu sameeyey Midab-sooc, kadib, markii loo diiday inuu galo Maxkamadda magaalladda Minneapolis oo ay ka socoto Dhegeysiga dacwado loo haysto 3 Dhallinyaro Soomaali lala xiriirinayo inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish.
Mukhtaar Ibraahim ayaa lagu celiyey Barta Kontoroolka Ammaanka ee Maxkamadda, xilli uu doonayey inuu galo Maxkamadda, si uu uga soo tebiyo Wararka Maxkamadda.
“Markii aan Boorsadii, Furayaashii iyo Suunkayga ku riday salad yar oo halkaasi taalla, ayaan u dhaqaaqay si aan uga gudbo Qalabka lagu baaro waxyaabaha birta, waxaa iga hor yimid Nin Ilaaliye Ammaanka Maxkamadda, kaasi oo ii sheegay inaan geli Karin gudaha†ayuu yiri Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ThinkProgess.
“Waxaan u sheegay Ilaaliyihii inaan qeyb ka ah Suxufiyiinta, waxaana tusiyey Aqoonsigayga Weriyenimo, iyadoo aan arkayey Weriye kale oo gudaha Maxkamadda sii galayo†ayuu sii raaciyey Mukhtaar Ibraahim oo uu Ilaaliyihii kala kulmay inuu ka xun yahay inaan dadka loo furin Maxkamadda.
Mukhtaar Ibraahim waxa uu xusay inuu sugitaan dheer kadib loo oogolaaday inuu sii maro Barta Kontoroolka Ammaanka ee Maxkamadda ee horey loogu diiday, inkastoo ay maskaxdiisa ku reebtay sababta isaga keliya loogu diiday inuu galo Maxkamadda.
Mukhtaar Ibraahim oo muddo 2 sanno Weriye u ahaa Idaacadda MPR waxa uu bartiisa Twitterkiisa ee Cinwaanka (@mukhtaryare)  soo dhigay sida uu ula yaabay in isaga laga hor joogsado inuu Maxkamadda galo, tiiyo Weriye kale loo oggolaaday inuu gudaha u galo Maxkamadda, iyadoo aan la weydiinin wax su’aal ah.
Mukhtar Ibrahim ‎@mukhtaryare
I’m just being prevented from getting into the federal court while another reporter was let in without being asked a question.
Sidoo kale, Mukhtaar Ibraahim waxa uu 4 daqiiqo kadib Qoraalkiisa kore kadib, ayuu mar kale haddana soo dhigay Qoraal uu ku sheegay inuu Kiiska Maxkmaadda uu wax ka tebin jirey tan iyo maalintii Koowaad, isla markaana aysan ahayn markii ugu horreysay ee isaga keliya bannaanka lagu reebo.
Waxa kaloo uu xusay inuu mararka qaarkooda dhex mari jirey Baaritaanka sare (A secondary screening).
Mukhtar Ibrahim ‎@mukhtaryare
I’ve been covering these cases since day one and this isn’t the first time I’m being singled out. I sometimes go thro secondary screening.
Mukhtaar Ibraahim waxa uu tilmaamay inuu khibrad ka kororsaday keli ahaanshahaasi.
Sarkaal dhinaca Ammaanka oo ka hawlgala Maxkamadda Federalka Minneapolis oo farriin lagu weydiiyey sababaha Mukhtaar Ibraahim loogu diiday inuu galo Maxkamadda.
Ilaaladda Ammaanka iyagana jawaab kama bixinin sababta ay Weriyaha u xayireen, mana kala cadda inay arrintaasi ku lug leedahay Dhalashadiisa Asalkiisa ee Soomaalinimadda.
Mukhtaar Ibraahim oo kaa mid ahaa dadkii ku guuleystay Abaalmarinta Hay’adda Bush Foundation waxa uu ku dhashay Somalia, waxayna isaga iyo Qoyskiisa ku nool yihiin Maraykanka tan iyo sannadkii 2005-tii.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan