Boliska magaalladda Kirkuuk ayaa sheegay in Kooxo aan la aqoonin oo watay gaari ay toogteen Weriyahaasi oo lagu magacaabi jirey Taabit Al-cubaydi, xilli uu ku sii jeeday Xaruntiisa shaqo oo ku taalla Bartamaha Kirkuuk.
Taabit Al-cubaydi waxa uu Madax ka ahaa Idaacad Deegaanka (A local Radio Station) Â oo lagu magacaabo Baba Gurgur, oo baahiya Warar iyo Barnaamijyo ku baxa Luqadaha Carabiga, Kurdishka iyo Turkmenka.
Marxuumka oo 38 jir ahaa waxa kale oo u shaqeynayey Shabakadda Wararka ee Iraqi Media Network.
Geerida Weriyahaasi ayaa ah tii labaad oo maalmo gudaheeda lagu dilo Weriye, iyadoo maydka Saxafi kale laga helay agagaarka Deegaanka Dohuk ee Maamul-gobaleedka Murdistaanka ee Waqooyiga Iraq.
©Radio Dalsan