Faah faahino ayaa laga helayaa Weerar loo adeegsaday madaafiic oo habeenimadii xalay aheyd lagu qaaday xartunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada warshadaha.
Madaafiicda lagu Weeraray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowr xabo ahaa ayaa qaarkood waxaa la sheegay inay ku dhaceen guryo ku dhow Wasaaradda oo degan yihiin dad shacab ah oo qaar kamid ah waxyeelo kasoo gaartay hoobiyeyaasha.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa gaaray dhowr qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, kuwaasi oo durbadii loola cararay goobo Caafimaad, si loogu daaweeyo, sida ay kusoo warrameen dad degan xaafado ku dhow Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in falka kadib ay Ciidamada ilaalada Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga dhankooda ay rideen rasaas, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta ay rideen ciidamada ammaanka.
Al-Shabaab ayaa mararka qaarkood weeraro hoobiyaal loo adeegsada ku qaada xarumo kuyaalla magaalada Muqdisho, weerardaasi ayaana inta badan khasaarooyin kala duwan waxa ay kasoo gaaraan dadka shacabka ah.