Hal nin ayaa dhintay labo kalena way dhaawacmeen kaddib markii weerar loo adeegsaday toorey iyo dubbe uu ka dhacay meel aan ka fogeyn birta dheer ee bartamaha magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu bartilmaameed saday dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa agagaarka Quai de Grenelle, kaasoo ku dhow daarta Eiffel.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in la xiray nin 26-jir u dhashay dalka Faransiiska oo xogtiisana ay hayeen hay’addaha ammaanka.
Eedeysanaha ayaa u dhawaaday lamaane dalxiisayaal ah, waxa uuna si xun u tooriyeeyay muwaadin Jarmal ah, ayuu yiri wasiirku. Ninkan ayaa kaddib waxaa daba galay booliiska, laakiin laba qof oo kale ayuu ku weeraray dubbe ka hor inta aan la qaban.
Dadka dhaawacmay waxaa la tacaalaya kooxaha gurmadka degdega ah oo adeeg caafimaad siinaya.